Monthly Archives: May 2014

Inside #Somalia’s protest songs : ‘Maxaa luray naftaadii’ (1967) Lyrics.

Innagoo lamaane ah
Iyo laba naf qaybsi leh
talo geed ku laashee,
Adigaa is lumiyoo,
Isu loogay cadawgoo,
Libintaada siiyee,
Waadiganse liitee,
Leexadu ku sidatee,
Hadba laan cuskanayee,

Liibaanteed aduunyada
Ruuxna laasan maayee
Maxaa luray naftaadii?

Waa laac Aduunyadu,
Labadii Walaalo ah,
Midba maalin ladanyahoo,
Ruuxii u liil Galay,
Lama loolo dharagoo,
Lugooyaba mageystee,

Waa adigasan laabtiyo,
Lugaha isla waayee,
Meel sare lalmanayee,

Liibaanteeda, aduunyada
Ruuxna laasan maayee,
Maxaa lulay naftaadii?

Adiguba laf iyo jiidh
Waadigii idlaadee,
liqiwaayey oontee,
Adiga liscaanood
iyo Laas xareediyo,
Laydh iyo hadh diidee.

Waadiganse sidii liig
Laasimay ugaadhee,
Waaqlada u leexdee,

Liibaanteed aduunyada
Ruuxna laasan maayee
Maxaa lulay naftaadii.

Dhaaxaad ladnaan Rays,
Sidaad aar libaax tahay,
Talaabada ladhaysoo,
Anna lahashadaadiyo,
Ladiwaayey jiifoo,
Liidnimo i-raacdee,
Lalabaha habeenkiyo,
Ma libdhaan jacaylku,
Ruux uu laba dibleeyaa.

Liibaanteed aduunyada
Ruuxna laasan maayee
Maxaa lulay naftaadii?

Song made by :Ahmed saleban Bide

Performed by : Hibo Nuura

Lyrics written by : thebileblog.WordPress.com

Advertisements

Hooyo Lyrics, Must read…… #HappyMothersDay #Somalia

Hooyoy la’aantaa
Adduunyadu hubaashii
Habeen kama baxdeenoo
Iftiin lama heleenoo
Dadku uma hayaameen
Dayax heego joogoo
Sida haad ma fuuleen
Xiddig hawd ka lulatoo
hawo laguma gaadheen
Hubka laguma tureen
cirka hirar ka muuqdoo
ruuxaad hagaysiyo
dusha midho ku haystaa
hilin toosan waligii
ka habaabi maayee

Hooyoy addoomuhu
Halkay maanta joogaan
Adigaa u horseedee

Intaad hanad xambaartee
Haaneedka siisee
Horaaddada jaqsiisee
Habtay baan xisaabiyo
Tiro lagu helayn,
Marka aad nin hiilloo
Laga baqo hashiisiyo
Halyey diran dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.

Marka aad nin hoo-loo
marti hagar ka gelinoo
Gurigiisa habaqluhu
Isku soo halleeyoo
xayntiisa quudhoo
Hor ilaahay geystiyo
Lama hure dhashaa baa
Hooyoy lagu xasuustaa.

Marka aad nin himilada
Hilin toosan mariyoo
Hir markii la gaadhaba
Ku labaad hilaadshoo
haga maatadiisoo
La higsade dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.

Marka aad nin hooggiyo
Ka hor taga dagaalkoo
dabka hura baqtiiyoo
Garta hubin yaqaanoo
Xaqa hoos u eegoo
Halistiyo colaadaha
ku hagoogta dhiigoo
Dadka kala hagaajoo
Kala hage dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.

Markaad hoobal caanoo
sacabka iyo heelada
Labadaba hagaajoo
Hindisaha farshaxanoo
Hab-dhaca iyo luuqdaba
rabi hibo u siiyoo
Hawraarta maansada
Heensayn yaqaanoo
Hal-abuur dhasha baa
Hooyo lagu xasuustaa.

Dumar iyo haween baa
Nolol lagu haweystaa
Kuwa lagu hammiyayee
Sida hawd caleen wayn
Rag u wada hamuumee
Ishu halacsanaysaa
Hablahaaga weeyee.

Marka guur la haybshee
Gabadh heego dheeroo
Hoobaan la moodoo
Karti iyo hub-qaadloo
Quruxdana ka hodanoo
Hira laga aroostaa
Hooyo lagu xasuustaa.

Hooyoy la’aantaa
Higgaad lama barteenoo

Hooyoy la’aantaa
Hadal lama kareenoo
Ruuxaanad habinoo
Kolba aanad heesiyo
Hoobey ku sabinoo
Hawshaada waayaa
Hanaqaadi maayee

hooyo taftaada
dugsi laga helaayoo
Hooyoy dhabtaadaa
Hurdo lagu gam’aayoo
Hooyoy dushaadaa
Nabad lagu helaayoo
Waxa lagu hal-maalaa

Hooyo ababintaadee
Hayin lagu badhaadhaay
Hogol lagu qaboobaay
Gogol lama huraaneey
Dugsigi lagu hirtaayee
Hidde lagu arooraay.
Intaad hooyo nooshahay
Hambalyiyo salaan baan
Hanti kaaga dhigayaa
Hamrashiyo xaq-dhowr baan
Dusha kaa huwinayaa,
Hooyo dhimashadaaduna
Hooggayga weeyoo
Weligey hoggaagaan
Ka dul heesayaayoo
Hiyiga iyo laabtaan
Kugu haynayaayoo
Hengel baan u xidhayaa
Inta haadka duushiyo
Idil habar dugaaggee
Ifka hibo ku noolow
Aakhiro halkii roon

Waxaa sameeyay : Abwaan Hadraawi
Heesteeda waxa qaaday : Maxamed suleeymaan tubeec ( AUN)